U bood dhigaalka

Galmudug: Wax badan ayaan Ka Qaban-doonnaa Waxbarashada Deegaanka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in ay wax badan ka qaban-doonaan waxbarashada deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Agaasimaha qorsheynta Waxbarashada ee Galmudug Cabdinaasir Cagaweyne ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin iney horumariyaan waxbarashada, taasi oo ay baahi badani ka jirto.

Cagaweyne, waxaa  uu tilmaamay  in ay ilaa iyo hadda qabteen shaqooyin badan oo la xiriira sidii loo horumarin lahaa waxbarashada deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Galmudug waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax badan ayaan ka qaban doonnaa waxbarashada deegaanka, waxaa jirta hadda horumarro aan sameynnay, balse dedaalku ma yara oo howlo badan baa inoo yaalla” ayuu yiri agaasime Cagaweyne.

Heshiiskii December ee sanadkii tagay ay wada-gaareen maamulka iyo Ahlu-sunna ka dib waxaa uu muuqata in Galmudug u dhaqaaqday dhanka horumarka, waxbarashada qeyb ayey ka tahay.

Gobollada dalka, inta badan kama jiraan xarumo waxbarasho oo ardayda si bilaash ah wax loogu barayo, taasi oo keentay in dowladda federaalka ah ay ballan-qaadday inay jaamacadda umadda faracyo ka furato maamulka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada