U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaan Ka Warbixiyey Qorshaha Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Garaad Yuusuf oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, waxa uu sheegay in ay socdaan dedaallo badan oo lagu doonayo in lagu soo doorto madaxweynaha maamulkaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in weli aan la magacaabin guddiga doorashada oo laga sugayo iney magacaabaan guddoonka baarlamaanka, kadibna la siin doono waqti, dadka is soo sharaxaya.

Waxa uu tilmaamay xildhibaan Garaad in mudada doorasho ee 10-ka maalin ah ee hadda ka haray doorashada madaxweynaha Galmudug aaney macquul ahayn in wax lagu dhammeeyo, muhiimna ay tahay in 10 cisho kale lagu daro.

“Waxaa socda dadaalladii ugu dambeeyey ee doorashada, 10-ka cisho ee harsan ma qabo iney ku dhammaan karto waayo waxa waa nidaam, waxayna u baahan tahay tashi, guddoonka ayaan ka sugeynaa iney soo magacaabaan guddiga doorashada, waxaa loo baahnaan doonaa waqti fiican oo la siiyo xitaa musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxay u baahnaan doonaan in 10 cisho kale ama ka badan lagu daro, wax walbana waxay cadaan doontaa marka guddiga doorashada la magacaabo”

Ugu dambeyn xildhibaan Garaad Yuusuf ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyey in hoggaanka cusub ee Galmudug loo dooran doono uu keeno isbedal siyaasadeed oo dhab ah.

Baarlamaanka Galmudug ayaa dhowaan dooran doona madaxweynahooda, kadib markii madaxweyne hore C/kariin Xuseen Guuleed oo isku casilay xaalad caafimaad darted.

Goobjoog News