U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaan Ku Baaqay In Lala Shaqeeyo Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Tahliil oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa shacabka Soomaaaliyeed ugu baaqey iney la shaqeeyaan dowladda cusub ee madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka kaban doonto burburkii soo maray, haddii shacabka Soomaaliyeed isku duubmaan, ayna taageeraan dowladda cusub.

Waxa uu tilmaamay in muddo Sanad gudaheeda la dareemi karo isbedalka guud ee dalka, haddii wada shaqeyn dhab ah lala sameeyo dowladda cusub.

“Shacabka waa iney midoobaan, waa in ay wada shaqeyn buuxdo la sameeyaan dowladda Federaalka ah, Soomaaliya markaan waxaa laga doonayaa iney gacmaha is qabsato, si dalkaan uu uga baxo wax walbo oo dhibaato ah” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale Xildhibaan Tahliil ayaa sheegay in Soomaaliya markaan laga leeyahay rajo wanaagsan oo ah dib usoo kabasho, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in haddii shacabka aan wada shaqeyn laga helin in dowladana aaney horumar sameyn karin.

Goobjoog News