U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaan Rajo Ka Muujiyey Iney Waxqabad La Yimaadaan Wasiirada Cusub (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa soo dhoweeyay golaha wasiirrada cusub ee Galmudug, kuwaasi oo habeen kahor uu ku dhowaaqay madaxweyne Xaaf.

Xildhibaan Maxamed Xasan Xuseen oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in wasiirradani laga filan karo inay qabtaan howlaha loo igmaday.

Waxa uu qiray in horay xukuumadda Galmudug ay ugu fashilantay waxyaabaha loo igmaday taasna ay eedeynteeda uu leeyahay madaxweynihii hore waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in madaxweynaha Galmudug arrimaha xukuumadda ay ka wada hadleen oo baahiyo jira awgood loo soo celiyay wasiirradii hore.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Xasan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in baarlamaanka Galmudug uu meelmariyo wasiirada cusub ee 52-ka gaaraya.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News