U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaan Sheegay Iney Doonayaan In Khilaafka Jira Lagu Xalliyo Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in ay doonayaan in khilaafka jira lagu xalliyo caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Xildhibaan Axmed Cabdi Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka hadlay sababta ay u qaadaceen shirkii dib u heshiisiinta ee ay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka ugu yeertay madaxda Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in go’aan ku gaareen in khilaaf walbo oo Galmudug dhexdeeda ah lagu dhammeeyo degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ugu baaqay madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaasi in ay yimaadaan degmada Dhuusamareeb si loo xalliyo wax walbo oo ay tabayaan.

“Ma arko baahi keeneysa in laga carro xaruntii Galmudug oo la aado Muqdisho, waxaan go’aansannay in wadahadal walbo lagu qabto Dhuusamareeb, lana xalliyo khilaafka jira, sidoo kalena la sameeyo isku tanaasul, waxaan ugu baaqayaa madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlmaanka iney yimaadaan Dhuusamareeb six al loo helo” ayuu yiri xildhibaan Axmed.

Waxaa jira khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya madaxda ugu sarreysa Galmudug, kuwaasi oo ku kala sugan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Goobjoog News