U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaannada Khilaafka Ka Dhaxeeya Oo La Xalinayo

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir oo maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug, ayaa sheegay iney dib u bilaabayaan howlihii shaqo ee baarlamaanka, ayna guda galayaan qabanqaabada doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Guddoomiye Casir ayaa sheegay in waxyaabaha ay qabanayaan ee ugu horreeya ay qeyb ka tahay xallinta kala aragti duwanaansho oo ka dhex jirta xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

“Baarlamaanka dhexdiisa howlo u yaalla waayey, iney iyaga ka doodaan, dib u heshiisintooda sameystaan, guddiyadooda sameystaan, ma ahan baarlamaanka dad iska yimid, waa iney kala duwanaadaan, baarlamaanka wuu doodaa, wey kala duwanaadaan, runtii arrimahaasi iyo doorashooyinka waa midda aan hadda u nimid”

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo ka hadlay abaarta dalka ka jirta gaar ahaan deegaannada Galmudug ayuu sheegay in shacabka ay la qeybsan doonaan abaaraha ka jira deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo.

“Waxaan rajeyneynaa in annaga oo shacabkeenna kaashaneyno aan la qeybsanno dhibaatooyinka haysta, waxaan rabaa inaan tagno shacabka meesha uu ku noolyahay oo waliba xaaladda adag haysato oo aan tagno meelaha ay ku sugan yihiin sida Isbitaallada” ayuu yiri Guddoomiye Casir.

Baarlamaanka Galmudug ayaa isku diyaarinaya doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi, kadib markii uu xilka madaxweyne iska casilay C/kariin Xuseen Guuleed.

Goobjoog News