U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaanno Ku Kala Aragti Duwanaaday Dib u Dhigista Doorashada

Sheeko:Dalka

Xildhibaano ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaa ku kala aragti duwanaaday dib u dhigista doorashada madaxtinimada Galmudug, kadib heshiis dhexmaray maamulkaasi iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo baarlamaanka Galmudug uu horey u meelmariyay 10-ka bishani in la qabto doorashada madaxtinimada Galmudug ayaa haddana shalay waxaa la shaaciyay in dib loo dhigay 20 maalin.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali oo ka tirsan golaha wakiillada Galmudug ahna afhayeenka guddiga doorashada ayaa sheegay in qodob dastuuri ah la baalmaray.

Dastuurka Galmudug ayaa qoraya in bil gudaheed lagu soo doorto madaxweyne cusub haddii madaxweynaha uu booska banneeyo.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inay jiraan dano siyaasadeed oo dowladda federaalka ay ka leedahay Galmudug, hase yeeshee ay ku andacooneyso in la heshiisiiyo Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Xildhibaan Shariif Maxamed Arwaax oo isna kamid ah baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa isna waxa uu baajinta doorashada madaxweynaha Galmudug iyo heshiiskii ka dhacay Cadaado ku sheegay mid wax ka bedali karta arrinta Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in ay rajeynayaan in Galmudug iyo Ahlu-sunna ay gaaraan heshiis keena midowga Galmudug.

“Dowladda dedaal ayeey waddaa, doorashada in sababta dib loogu dhigey wey ina fahamsiisay, waana ka aqbalnay, iyadaa dhex dhexaad ka ah annaga iyo Ahlu-sunna, waana muhiim in danaha Galmudug laga shaqeeyo oo mid la noqdo, waana soo dhoweyneynaa, Ahlu-sunna waa culamadeenna waana ka rajeyneynaa in dhankooda ay aqbalaan wada hadalka” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddo dedaallo ay isugu keeneyso Ahlu-sunna Waljameeca iyo sidoo kale maamulka Galmudug, waxaana dib oo dhigay doorashada madaxweynaha Galmudug oo dhici lahayd 10-ka bishan, waxaana lagu daray 20 maalin.

Goobjoog News