U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaanno Sheegay Iney Dooran Doonaan Madaxweyne Isbedal Keeni Kara

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa bilaabay isku diyaarinta doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi, kadib markii uu is casilay madaxweynihii hore ee maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaan Salaad Axmed Caynte, waxa uu kamid yahay xildhibaannada Galmudug, waxaana uu u sheegay Goobjoog News, in isaga uu kamid ahaa xildhibaannadii isku diyaarinayey iney madaxweyne ku doortaan degmada Cadaado, islamarkaana is casilaaddii Guuleed ay soo dedejisey in si haboon ay doorashada u dhacdo.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka iney qaban doonaan doorasho waqti dhow dhici doonta, si loo buuxiyo booskii uu iska casiley C/kariin Xuseen Guuleed.

“Waxaan u diyaar garoobeynaa inaan buuxino booskii uu baneeyey C/kariin Xuseen Guuleed, waana booska kaliya ee hadda Galmudug ka bannaan, waqti dhowna waa ay dhici doontaa doorashada” ayuu yiri xildhibaan Salaad.

Xildhibaan Badel Ciise Cawaale oo isna kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay xoogga saari doonaan in la keeno hoggaan samatabixin kara maamulka Galmudug.

“Waxaan isku dayeeynaa inaan soo doorano hoggaan wanaagsan oo bulshada iyo deegaankaan wax u qaban karo, oo aan keenno madaxweyne naga bixin kara dib u dhacyadii aan galnay” ayuu yiri xildhibaanka.

26-kii bishan ayaa C/kariin Xuseen Guuleed waxa uu ku dhowaaqay inuu iska casilay madaxweyne ee maamulka Galmudug, arrimo la xiriira dhanka caafimaadkiisa.

Goobjoog News