U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaanno Sheegay Iney Ku Howlan Yihiin Xalinta Khilaafka Madaxda Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan Galmudug ayaa sheegay inay ku howlan yihiin xallinta  khilaafka madaxda sare ee maamulkaasi.

Kulamo ayaa Cadaado uga soconaya madaxda u sarreysay sida Madaxweyne Axmed Ducaalle Xaaf, ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi iyo guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Xildhibaannada kala ah Maxamed Xasan Geelle iyo Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay muhiim tahay in arrintani wada hadal lagu xalliyo.

Waxa ay sheegeen in khilaafku uu jiro islamarkaana loo baahan yahay in wada xaajood lagu dhameeyo.

Kulamada socda inkastoo baarlamaanka aynaan qeyb ka ahayn hadana xildhibaannadu waxay sheegayaan inay Galmudug diyaar u ahayn xasarado iyo mowjado siyaasadeed oo xilligani aysan xamili Karin.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle waxa uu si gaar ah u sheegay in dedaal walbo oo lagu xalinayo khilaafyadan ay sameyn doonaan.

Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Xuseen oo isna arrimaha Cadaado ka taagan aan wax ka weydiiyay ayaa xaqiijiyey wadahadallada hadda u socda madaxda Galmudug, isaga oo rajo ka muujiyey in la dhameeyo wax walbo  oo la isku qabto.

Goobjoog News