U bood dhigaalka

Galmudug: Xubnaha Ka Haray 8 Xubin Ee Aqalka Sare Oo Maanta La Dooranayo

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta oo Axad ah waxay dooran doonaa 3 xubin oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee ka haray 8 Xubin ee kusoo aaddey maamulkaasi.

Waxay maalintii shalay ahayd doorasho ka dhacday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud lagu doortay 5 xubin, iyadoo maantana la dooran doono xubnaha haray.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Galmudug in maanta ay soo xaadiraan xilli hore si loo dhameeystiro  xubnaha ka haray doorashada aqalka sare.

Ammaanka guud ee degmada Cadaado ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidamo Soomaaliyeed.

Maamulka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee doorta xubnaha Aqalka sare, iyadoo Senator-kii ugu horreeyay ee la doortana uu noqday Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News