U bood dhigaalka

Galmudug:Wada Haladdaladii Aan La Laheyn Ahlu Sunna Waa Burbureen

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga wada hadalka Galmudug, ahna wasiirka dastuurka Cusmaan Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wada hadalladii ay la lahaayeen Ahlu Sunna ay burbureen.

Wada hadallada labada dhinac oo dowladda federaalka ah ay ka shaqeysay ayaa la sheegayaa in Ahlu Sunna ay ku xireen xujooyinka iyo shuruudo aaney dhanka Galmudug ka soo bixi Karin.

30-ka bishan ayaa lagu wadaa in Cadaado lagu qabto doorashada madaxweynaha Galmudug, qaar ka mid ah murashaxiinta ayaa haatan gaaraya gobolka si ay ololaha u bilaabaan.

Goobjoog News