U bood dhigaalka

Ganacgsiga Magaalada Afgooye Oo Laga Dareemayo Dhaq-dhaqaaq Yari.

Sheeko:Dalka

Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka jira magaalada Afgooye ee gobolka shabeelada hoose ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq aan sidaas u badneyn.

Afhayeenka ganacsatada magaalada Afgooye Cali Axmed Hidi oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay  in ganacsiga ka jira magaalada Afgooye uu yahay mid aad u liito oo aan lahayn wax dhaqdhaqaaq fiican ah, waxaana saameeyay ganacsiga magaalada abaarta ka jirta dalka.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan magaalada Afgooye ee gobolka shabeelada hoose ay u badanyihiin dad beeraley ah,kuwaas oo beeran jiray khudaarta nuucyadeeda kala duwan, balse haatan aysan jirin waxay beerataan maadaama wabiga uusan lahayn biyo ku filan beeraha”Ganacsiga Afgooye waxa uu ki xirnaa beeraha, Beerihiina way baaba’een wabigii ayaa ka guray, marka dhaqaalaha Afgooye waxa uu ku xirnaa beeraha beerihii iyo xoolihiiba way dhamaadeen”.

Degmada Afgooye ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka laga dareemaya inay saameysay abaarta, maadaama ganacsiga magaaladaasi uu ku tiirsanaa beeraha iyo xoolaha nool, waxayna keentay abaarta ku dhufatay waddanka inay guraan wabiyadii taasoo keentay inay qalalaan beerihii xoolihiin ay baaba’aan.

Goobjoog News