U bood dhigaalka

Ganacsade Abuukar Caddaan oo Lala Baxay, Wiilkiisa Ayaa Horay u Xirnaa

Sheeko:Amniga

Wararka ayaa sheegaya in hey’adda nabad sugidda ay xalay gurigiisa kala baxeen ganacsade Abuukar Xaaji Caddaan kadib markii uu sheegay taageeradiisa Al-shabaab.

Ganacsadahan oo wareysi siiyey idaacad maxali ah ayaa sheegay in uu taageerayo Al-shabaab isaga oo sidoo kale si xun uga hadlay beesha caalamka ee ku jira xarunta Xalane iyo xataa AMISOM, kuna baaqay in la baa’biyo.

Xariga ninkan horay dekadda u lahaa ayaa imaanaya bil kadib markii ciidamadu ay xireen wiilkiisa Maxamuud Abuukar iyada oo la sheegayo in su’aalo la weydiinayo.

Goobjoog News