U bood dhigaalka

Ganacsade La Weysana Oo Meydkiisa La Helay

Sheeko:Amniga

Meydka Ganacsade Soomaaliyeed oo in mudo ah la waysana ayaa laga helay tuulo banaanka ka ah Magaalada Nairobi.

Ganacsadahaan oo lagu magacaabo Bashiir Maxamuud Gaboobe ayaa  maydkiisa laga helay meel qiyaastii 180 KM magaalada Nairobi, waxana ganacsadahaan la weysana mudda dhowr maalin ah , iyadoo ay Afduubteen kooxa aan heyb tooda la aqoon .

Qaar ka mid ah Ehelada marxuumka ayaa sheegay in meydka wiilkooda ay ka muuqato Rasaastii lagu dilay iyo sidoo kale Jirdil loo geystay ,13 bishaan May ayeey aheyd markii marxuumka la waayay.

Ehelada ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan Baaritaano ku aaddan dhac dadaan, hadana meydkiisa uu yaaallo magaalada Mwea oo ka tirsan gobolka Kirinyaga oo ah halka laga helay meydka.

Ganacsade Bashiir Maxamuud oo 35 sano jir ah ayaa haysata dhalashada dalka Mareynkanka.
GoobJoog News