U bood dhigaalka

Ganacsade Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxay sheegayaan in rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda uu nin ganacsade ah ku dilay suuqaasi.

Goob jooge ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in ninka hubeysan ee wax dilay uu doonayey in Taleefana gacanka ah uu ka qaato ninka la diley balse uu isku adkeeyey.

Ganacsadaha la diley oo aan weli magaciisa helin ayaa la sheegayaa inuu suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku iibin jire Malabka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News