U bood dhigaalka

Ganacsade Lagu Diley Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, ku dileen mid kamid ah ganacsatada degmadaasi.

Ganacsadahan oo magaciisa lagu sheegay Haabiil Abuur Abow, oo mehrad lagu iibiyo cuntada ku lahaa degmada Afgooye ayaa la diley xilli uu ku sugnaa xaruntiisa ganacsi.

Raggii dilka ka dambeeyey ayaa ka baxsaday halka uu falkaan ka dhacay sida Goobjoog News, ay u xaqiijiyeen goob joogayaal.

Ciidamada ammaanka degmada Afgooye oo goobta gaaray ayaa halkaasi ka sameeyey howlgal aan cidna lagu soo qaban, iyadoo saacad kadibna howlihii shaqso ee halka dilka uu ka dhacay ay caadi kusoo laabatay.

Maamulka degmada Afgooye oo aynu isku daynay inaan wax ka weydiinno falkaan dilka ah ayaa arrintan ka gaabsaday, balse dilalka sidan oo kale ah ayaa degmadaasi kusoo noqnoqday.

Goobjoog News