U bood dhigaalka

Ganacsade Lagu Diley Laascaanood Iyo Xiisad Lasoo Sheegayo

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa xalay waxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dileen mid ka mid ah ganacsatada ugu caansan magaaladaasi.

Ganacsade Maxamed Cabdi Timir oo aad looga garanayey Laascaanood ayaa lagu diley bartamaha magaaladaasi, iyadoo goobta ay ka baxsadeen raggii dilka ka dambeeyay.

Saakay ayaa lasoo sheegayaa in maleeshiyaad ku heyb ah ganacsadahan ay iyaguna dhaq dhaqaaqyo ka wadaan magaalada Laascaanood, taasi oo walaac ku beertay dadka shacabka ah.

Deegaanno ka tirsan Sool ayaa maalmihii dambe waxaa ka jiray dilal la xiriira aanooyin qabiil.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News