U bood dhigaalka

Ganacsade Soomaaliyeed Oo Ku Yaboohay Markab Lagu Soo Daabulo Soomaalida Yemen (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo Madax ka ah Shirkadda Jubba General Trading ayaa ku yaboohay Markab wayn oo soo qaadi doona Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan Dalka Yeman.

Ganacsadahan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in si  iskiisa ah u gartay in Markaabkaas uu u diro walaalaha Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan dalka Yeman.

Markabkaan ayuu sheegay in uu soo qaadi doono dad kor u dhaafaya Kun, kuwaasi oo ka mid ah dadka ku dhibban dalka Yemen, islamarkaana dushooda lagu dagaallamay.

“Markabkaan waxa uu aadi doonaa meesha guddiga uu dalbado, waa Markab Xamuulka qaada, waxa uu ka bixi doonaa magaalada Muqdisho Shan Cisho ka dib, waxaana jeclahay walaalahayga Soomaaliyeed in aan wax u qabto, ganacsatada kale waxaan iyaguna leeyahay waa maalintii naloo baahnaa ee kaalaya dhinaciina ka qaata gurmadkaan” ayuu yiri Ganacsade Cabdi Cali Faarax.

Waa ganacsadihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay islamarkaana ku yabooha markab soo qaada muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Goobjoog News

DSC_0080 DSC_0075 DSC_0079