U bood dhigaalka

Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Diley Koonfur Afrika

Sheeko:Dalka

Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa magaalada Durban  ee dalkaasi waxay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi ganacsi ku haystay.

Wararku waxay sheegayaan in burcaddan ay xoog kusoo galeen dukaankaasi, waxaana ku sugnaa Axmed Jaliil Cali Xueen oo ah marxuumka dhintey iyo Labo dhallinyaro ah oo la shaqeynayey.

Waxaa goobta ka baxsaday dhallinyaradii kale, balse isaga ayeey burcadda gacanta ku dhigtey, waxaana ay weydiiyeen lacago iyo waxyaabo kale oo ay doonayeen iney dhacaan.

Waxaa la sheegay in ay shidaal ku shubeen, kadibna ay gubeen, waxaana middaasi keentay inuu dhinto Jaliil.

Ciidamada Booliiska oo goobta gaaray ayaa bilaabay iney howlgallo sameeyaan, iyadoo falkaan uu dhacay Habeenkii Isniinta ee aynu soo dhaafnay.

Soomaalida badan ayaanaftooda ku waayay dalka Koonfur Afrika, waxaana Soomaaliga ay la kulmaan weeraro u muuqda kuwo iyaga un lagu bartilmaameedsanayo.

Goobjoog News