U bood dhigaalka

Ganacsatada Ay Doonta U Rarneyd Oo Faafaahin Ka Bixiyey Khasaaraha Ka Dhashay

Sheeko:Dalka

Shalay waxaa dab uu qabsaday Doon u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed waxaana gabi  ahaan  bas beeshay hantidii saarnayd doonta la yiraahdo Nuur shaawar ,

Hanti fara badan ayaa ku baaba’day doonta waxaana khasaaro  ay  ka soo gaartay Ganacsatadii ay u rarnayd doontaasi.

Cali Saciid Saalax oo ah wakiilka doonta gubatay ayaa Goobjoog News uga warbixiyey khasaaraha ka dhashay iyo  xaddiga hantida ku gubatay waxaa uuna yiri.

“Waxaa ay ka soo baxday doonta shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa ay  waday  hanti  badan oo ka koobnaa Baabuur, Shidaal iyo Bagaash  xamuulka ay waday nuuc walba oo badeeco ah ayey ka koobneyd, doonta waxaa ay  u rarneyd  ganacsato reer Puntland ah”.

Doontaan ayaa shalay waxaa ay ku gubatay magaalada Boosaaso ee gobolka Bar, waxaana sababay guba shadeeda sida uu sheegay wakiilka dab ka kacay matoorka doonta.

Goobjoog News