U bood dhigaalka

Ganacsatada B/weyne Oo Wax Ku Iibsanaya Lacagta Doolarka

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi ay diideen qaadashada lacagta shilin Soomaaliga, iyaga oo dalbaday in kaliya ay wax ku iibsanayaan doolarka Maraykanka.

Wariyaasheena B/weyne waxay soo sheegayaan in aanu jirin wax ganacsi ah oo ka jira magaaladaasi, suuqayada yihiin kuwo leh dhaq dhaqaaq ganacsi.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii la sheegay in gobolka Hiiraan ay gashay lacag been abuur ah, loona ekeysiiyay Shilinka Soomaaliga, iyadoo la dareemay sicir barar baahsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News