U bood dhigaalka

Ganacsatada Degmada Afgooye Oo Cabasho Ka Muujiyay Lacago Canshuur Ah Oo Lagu Amray Inay Bixiyaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

AfgoyeGanacsatada degmada Afgooye oo cabasho ka ah lacago Canshuur ah oo dhawaan lagu amray in ay bixiyaan ayaa kulan la yeeshay maamulka degmadaasi.

Kulankaan oo saacado qaatay ayaa ka dhacay xarunta maamulka degmada Afgooye, waxaana ganacsatada ay sheegeen in aysan bixin karin lacago canshuur ah oo laga rabo goob walba oo ganacsi taasi oo gaaraysa 20 Doolar.

Kulankaan waxaa dhanka maamulka degmada Afgooye kaga qeyb galay gudoomiyaha degmadaasi iyo sidoo kale ku xigeenada Amniga iyo siyaasadda.

Ganacsatada ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay in aysan haysan amaan ay ku shaqeystaan, oo habeen iyo maalin hantidooda u baqaan, tii oo ay jirtayna aysan ku dari karin in lacagtaan laga doonayo ay bixiyaan.

Xaaji Gaaboow oo ah gudoomiyaha Afgooye ayaa u sheegay ganacsatada in maamulkooda uu dib isugu laaban doono islamarkaana ay ka fariisan doonaan canshuurtaan ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda dowaladda Federaalka ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in go’aan kama dambeys ah ay heli doonaan ganacsatadaan kulankaan kan xiga.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News