U bood dhigaalka

Ganacsatada Degmada Cadaado Oo Walaac Ka Muujiyay Lacago Been Abuur Ah Oo Degmadaasi Lagu Arkay

Sheeko:Dalka

Ganacsatada ku dhaqan degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa cabasho ka ah lacag been abuur ah oo dhawaan lagu arkay suuqyada degmadaasi.

Waxa ay sheegeen in lacagtani ay sababtay qiimo koro ku yimaada raashiinka iyo sidoo kale isbedel dhanka sarifka lacagaha qalaad ah.

Ganacsatadaan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in lacagtani ay kasoo gashay dhanka deegaanada maamulka Puntland waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Lacagtaan dhanka Puntland ayeey naga soo gashay, iyaga ayaa sameystay oo Dekad ayeey leeyihiin, waxayna u arkaan inay socodsiin karaan, midda kale Cadaado hadda kahor ayaa lacag sidaasi ah lagu sameeyay, laakiinse ma aanay socon” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadaan oo la hadlay Goobjoog News.

Lacagtaan been abuurka ah ee lagu arkay suuqyada degmada Cadaado ayaa kor ahaan uga eg lacagta kunka shilin Soomaaliga ah, hase ahaatee markii la taabto waa warqadda loo yaqaan A-4 (Ee Foor)

Waxa hadda laga baqayo ayaa ah in lacagtaan ay suuqyada degmada Cadaado ku keento isbedal xooggan oo dhanka qiimaha raashiinka iyo bagaashka ah, sidii dhacday sanadkii 2013-kii.

Goobjoog News