U bood dhigaalka

Ganacsatada Magaalada Marka Oo Dib u Furay Xarumahoodii Ganacsi

Sheeko:Dalka

Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose waxaa haatan laga dareemayaa in uu dib usoo laabanayo dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee magaaladaasi looga bartay kadib maalmo badan oo magaalada amniga oo xumaaday awgeed u xirmeen xarumo badan oo ganacsi.

Qaar ka mid ah ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi oo la hadlay Goobjoog news waxay sheegeen in hadda amni ahaan magaalada ay soo hagaageyso, islamarkaana iyaguna ay ku qasbanaadeen in mar kale ay dib u billaabaan shaqooyinkooda.

Meello aan badneen ayaa markii hore waxaa ka jiray ganacsi, waxaa badi xirnaa bakhaaradii waaweynaa iyo sidoo kale dukaamadii kala duwanaa ee ganacsiga.

Inkastoo weli sidii loo baahnaa aanay weli usoo dhameystirmin xarumaha ganacsiga ee Marka hadane dadka magaaladaasi ku dhaqan waxay soo dhaweynayaan dib usoo kabashadaan muuqata.

Gacan ku haynta magaalada Marka ayeey siyaabo kala duwan u kala gashay gacmaha dowladda Federaalka iyo Al-shabaab, waxay taasi keentay in dad badan magaalada ay ka barakacaan iyadoo dhammaan xarumihii ganacsigana ay halkaasi ku xirmeen.

Goobjoog News