U bood dhigaalka

Ganacsatada Oo Cabasho Ka Ah Waddooyinka Xiran Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka ah waddooyinka ay xirtay dowladda federaalka Soomaaliya, xilli lagu guda jiro u diyaar garowgii ugu dambeeyey ee maalmaha ciidul fidriga.

C/wahaab Maxamed Cali waxa uu ka mid ahay ganacsatada ay saameysay xirnaanshiyaha waddooyinka, wuxuuna Goobjoog u sheegay in ciiddan iyo ciidihii hore farqi weyn u dhaxeeyo.

Waxa uu tilmaamay C/wahaab in dadkii wax ka iibsan lahaa aanayba soo gaari karin suuqyada maadaama ay magaalada kala xiran tahay.

“Culeysyo badan ayaa iska jira, dadku masoo gaari karaan suuqyada, waddooyinka ayaa xiran, shaqada sidii la rabay ma ahan oo dad kuu imaanaya ayaanba jirin” ayuu yiri C/wahaab.

Inkastoo dowladda aanay sheegin sababta rasmiga ah ee loo xiray waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa cabashada ka wada siman guud ahaan shacabka magaalada Muqdisho.

Goobjoog News