U bood dhigaalka

Ganacsatada Oo Laga Mamnuucay Keenista Iyo Iibinta Baaruudda

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha oo maanta soo saartay wareegto ayaa lagu sheegay in dalka aan la soo galin Karin Toys-ka caruurta ay ku ciyaaraan ciidda,kaasi oo ka kooban Qoryo, Biskoolado iyo waxyaabaha qarxa sida baaruudda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay u keenaan caruurta Toys-ka ka qeyb-qaadanaya nabadda iyo is jaceylka bulshada iyaga oo ka tanasulaya inay keenaan waxyaabaha ka soo horjeeda nabadda.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershada ayaa uga digtay Ganacsatada in aysan dalka soo gelin waxyaabaha ay ku ciyaaraan caruurta ee ka sameysan Qoryaha iyo qaraxyada ciidda soo socota.

Halkan hoose ka akhriso

 

 

Goobjoog News