U bood dhigaalka

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Oo Ku Dhawaaqay Shaqo Joojin

Sheeko:Dalka

Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho, waxaa ay ku sheegeen in si KMG ah ay shaqada suuqaasi ku joojinayaan lagana bilaabayo maalinta berri ah.

Shir jaraa’id oo ay qabteen, waxaa ay sheegeen iney qabaan cabasho ku aadan canshuurta la saaray ganacsatada gobolka Banaadir, waxaana ay tilmaameen inta sida hadda wax laga bedalayo aysan shaqyn doonin.

Ganacsatadan ayaa sheegay in culeys badan ay kala kulmeen dhanka canshuurta, ayna dareemayaan cadaalad darro.“Waxaan ka cabaneynaa dowladda, waxaana u cabaneynaa madaxda dowladda, madaxweynaha ayaan rabnaa inuu codkeenna gaaro” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale ganacsatadan ayaa sheegaya in alaab badan ay kaga baaba’ayso dekadda, ayna taallo muddo ka badan 12 cisho, waxayna sheegeen in haddii canshuurta la sheegayo ay bixiyaan ay khasaare badan la kulmayaan.

“Waxaan isku raacnay ganacsato ahaan inaan joojinno shaqadeenna, iska xirno bakhaaradeenna, waayo faa’ido iska daayee khasaare ayaan ku qabnaa, bal idinkaba dib u xisaabiya, canshuur diid ma nihin, balse arrintaan waa dhibaato, waxaana dhibkaan dareemi doona cid walbo oo Soomaaliyeed” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay ganacsade kale.

Waxaa jiray kulamo kala duwan oo ganacsatada gobolka Banaadir ay la yeesheen xukuumadda Kheyre, hase ahaatee ay fashil kusoo dhammaadeen wadahadalladaasi.

Goobjoog News