U bood dhigaalka

Ganacsatada Waqooyiga Gaalkacyo oo Maalintii Sedexaad Shaqo Joojin wada

Sheeko:Amniga

Ganacsatada yar yar ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa maalintii sedexaad waxaa ay samaynayaan shaqo joojin,ganacsatada ayaana muujinaya  cabasho.

Ganacsada ayaa joojiyey shaqadooda ka dib markii ay sheegeen in wasaaradda maaliyadda ee dowlad gobaleedka Puntland ay ku soo rogtay Canshuur dheeri ah , ganacsatada ayaana xusay in aysan awoodin bixinta canshuuraha lagu soo kordhiyey.

Muxubo Jaamac oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee magaalada ayaa sheegtay in canshuurta ay soo saartay wasaaradda Maaliyadda Puntland aysan Karin in ay dhiibaan ganacsatada yar yar ,Muxubo ayaa haddalkeeda ku dartay in xiligaan suuqa uusan lahey dhaqdhaqaaqyo fiican.

Ganacsatada ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen  in shaqo joojinta ay siiwadayaan ilaa iyo inta wasaaradda maaliyadda ay tixgelinayso dalabaadkooda,oo ahaa in canshuurta lagu celiyo halkii hore oo kordhinta laga daayo.

Cabashada ka soo yeertay ganacsatada yar yare ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ku soo  aadeysa iyadoo wasaaradda maaliyadda dowlad gobaleedka Puntland ay ganacsatada ku soo rogtay canshuuro dheeri ah.

Goobjoog News