U bood dhigaalka

Ganacsato Faa’ido Badan Ka Sameeyay Ka Ganacsiga Timirta, Suuqyada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaan booqday  xarun u gaar ah iibinta timirta oo aan  sahan dheer u galay ogaanshiyaha kororka magaaladan ay ku sameynayaan xilligan ganacsiyada gaarka ah.

Waxaa ii suurta gashay inaan gaaro Labo xarun oo lagu iibiyo badeecooyin u gaar ah oo aan laga heleynin xarumaha ganacsi ee u dhaw.

Inkastoo Soomaaliya Sanadihii aynu kasoo gudubnay ay ka ahayd  wax iska caadi ah in la iska furto Labo xarun oo badeecada taalla ay isku mid tahay

Haddana waxay u muuqaneysaa in Soomaalidu ay kasii ilbexeyso meheradaha  agabka yaalo uu isku  ceynka yahay ee meelaha masaafo ahaan aanan kala fogeyn laga hirgelinayo.

Taasi waa fikrad wanaagsan sida ay qabaan xeeldheerayaasha ganacsiga sababtoo ah waa mid laga wanaagsan yahay in lagu wada biiro  ganacsi isku mid ah.

Cismaan Axmed Jaamac waa maamulaha meherad  lagu iibiyo timirta waxa uu sheegay mar Goobjoog news ay weydiisay sababaha keenay in uu yagleelo xaruntan u gaarka ah iibinta timirta in ay isaga iyo rag kale ay ku fikireen sidii ganacsi u gaar ah hal shey oo qur ah iney sameeyaan indho indheyn kadibna ay u soo baxday  hirgelinta xaruntaan  xilligaanna ay faa’iido u noqotay dad badan oo horay u la’aa meel ay ugu hagaagaan timirta nuucyadeeda kala duwan

Timirta oo keliya kuma eka ganacsiyada goonida ah ee iminka tiro ahaan ku soo bulaalaya magaalada Muqdisho.

Waxaa jira sidoo kale goob lagu iibiyo waxyaabaha  lagu qaato cuntada ee halka mar la isticmaalo ee ah saxamada iyo galaasyada ka sameysan baakadaha oo inta badan ay isticmaalaan Maqaayadaha iyo Hotellada

Bashiir Cabdi Xasan waxa uu ka mid yahay dadka sameeyay ganacsiyada gaarka ah ee xilligan sameyntooda laga dareemayo magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in ganacsigaan aasaaskiisa ay ku dhalatay ka dib markii ay arkeen baahiyaha ay qabaan Maqaayadaha iyo Hoteellada  ku soo badanaya magaaladan inay helaan agabyada lagu qaato cuntada iyo cabitaanada , qiimaha ay iibiyaana ay tahay qiimo macquul ah.

Cabdi fitaax Maxamed Ibraahim waa aqoonyahan  haysta shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda kuna  diyaariyay culuumta ganacsiga

Waxa uu aaminsanyahay  ganacsiyada gaarka ah in wadanka ay u horseedi karaan horumar dhaqaalle  haddii ganacsatada Soomaaliyeed ay wada fahmaan ku dhaqanka ganacsiyadaasi.

Waxa uu xusay in ganacstada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay sameeyaan fikirado lagu abuuri karo ganacsiyo gaar ah si looga gudbo dib u dhaca ganacsiga Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan shaki ku  jirin haddii ay ganacstada la yimaadaan hal abuur fikrado ganacsi oo gaar ah in ay taasi  door wanaagsan ka qaadaneyso kobaca dhaqaale ee dalka.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

W/D:- Xasan Kaafi Xaaji

Tifaftrkii Bashiir Maxamuud Wehliye

Daabacay: Maxamed Abukar Kulmiye

Goobjoog News