U bood dhigaalka

Ganacsato Ka Cabanaya Canshuur Kordhin Lagu Sameeyay Badeecadaha Ay Kala Soo Degaan Dekadda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ganacsatada wax-kasoo degsada dekedda Muqdisho ayaa ka cabanaya canshuur kordhin lagu sameeyay badeecada kasoo degta dekedda.

Ganacsatada ayaa sheegay in qaabkii hore ee wax loo canshuuri jiray uu ahaa in konteeranka soo daga waxaa ku jira si guud loo canshuuro balse saakay la bilaabay in laba-mar la canshuuro:

  1. Mar in konteenarka si guud ahaaneed loo canshuuro, kadibna
  2. Hal-hal loo canshuuro waxa ku jira konteenarka

Waxay tilmaameen in tani ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, arrintaanna lagu wargeliyey saakay oo Isniin ahayd.

“Saakay markii aan shaqada nimid waxaa noola sheegay in badeecada soo dagta canshuur kordhin lagu sameeyay… Konteenarka marka la canshuuro kadib ayaa dhexda loosii galaa oo calaa-sheey ayaa lacag looga sii rabaa hadane” ayuu yiri Xasan Barre oo kamid ah ganacsatada waxa kala soo dega dekadda Muqdisho.

“Markii hore wax aan ku qanacsanahay ayaa nagala qaadi jiray, warqadda badeecada lagu soo raro waxa ku qoran ayaa la canshuuri jiray” ayuu sii raaciyay.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli todobaadyo ka hor Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Maamul Goboleedyada ay ka wada hadleen sidii loo mideyn lahaa canshuuraha dalka.

Goobjoog News