U bood dhigaalka

Ganacsato Ku Xirnaa Saldhigga Jowhar Oo Lasii Daayey

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabeelle ayaa dib xorriyadooda u siiyey ganacsato shalay la xiray xilli ay ku wajahnaayeen deegaanka Gamboole ee Sh/dhexe, si ay halkaasi ugula soo kulmaan xubno kamid ah A-shabaab.

Maamulka Sh/dhexe ayaa amray in lasoo qabto ganacsatadan xilli ay marayeen deegaanka Baraki oo ku dhow degmada Jowhar.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolkaasi ayaa kulamo la qaatay ganacsatadan oo xirnaa ku dhowaad 24-saac, kadibna waxaa la isla fahmay in dib xorriyadooda loo siiyo.

Marar badan ganacsatada waaweyn ee magaalada Jowhar ayaa tagay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabellaha Dhexe, kuwaasi oo arrimo ganacsigooda ku saabsan kala soo hadlay Al-shabaab.

Maamulka Sh/dhexe ayaa mamnuucay in ganacsatada ku sugan Jowhar ay tagaan deegaannada Al-shabaab ay ku sugan yihiin si ay ugala soo xaajoodaan arrimaha ganacsigooda.

Goobjoog News