U bood dhigaalka

Ganacsiga Ay Soomaalidu Ku Leedahay Koofur Africa Oo Xiran

Sheeko:Dalka, War

Qaar ka mid ah ganacsiga Soomaalida ay ku leeyihiin magaalada  Perotoria ee caasimadda waddanka Koofur Africa ayaa xiran  ka dib markii ay halkaas  ka dhaceen weeraro .

Mid ka mid ah  ganacstada ku nool waddanka Koonfur Africa oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in ganacsiga ka jira magaalada Perotooriya uu xiranyhay  waxa uu intaas uu ku daray in dadka Soomaalida ah ay ka qaxeen magaalada.

“Soomaalida xaafadda Peritooriya dageneed  ee caasimadda dalka haweenka iyo caruurta shalay ayay qaxeen,  goobo ganacsi oo furan malahan,  isku socodka dadka iyo gaadiidaka wax socda malahan” sidaa waxaa Goobjoog News u sheegay weriye Maxamed Yusuf Kulane oo ku sugan caasimadda koofur Afrika.

Xaaladda ku haysata dadka Soomaaliyeed waddanka Koofur Africa ayaa waxay tahay mid cakiran, waxaana dhibaatooyin faro badan loogu geystaa waddankaas muwaadiniinta Soomaaliyeeed eek u nool, iyadoo oo ay u sii dheertahay in la dhaco  hantidooda.

Marar badan ayaa waxaa lagu dhibaateeyay Koofur Africa ganacsato Soomaaliyeed iyagoo la gubay goobahoodii ganacsi kuwa kalena la dhacay .

Goobjoog News