U bood dhigaalka

Ganacsiga Loo Yaqaan Waratada Oo Kusoo Batey Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe waxaa kusoo batey ganacsatada Waratada oo waxyaabo badan kusoo kordhiyey magaaladaasi.

Ganacsiga sidan ah horey loogama aqoon magaalada Jowhar, dadka danyarta ah ayeey shaqo abuur oo ay noloshooda ku dabaraan u noqotey.

Wariyaheena Ismaan Cabdalla oo booqday suuqa weyn Xaafadda Hantiwadaag Jowhar ayaa la kulmay qaar kamid ah ganacsatadan, una badan dhallinyaro shaqaadaasi ka bilaabay Iibinta Kabaha, waxayna u sheegeen in noloshooda ay ku maareeyaan kuna qanacsan yihiin shaqadan.

“Shaqo kale ma naqaan, middaan ayaan bilaabay, nolosha qoyska ayaan ku dabaraa, waxaan iibiyaa Kabo, Xamar ayaan ka dalbannaa waana ku qanacsanahay illaa hadda” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay mid kamid ah Ganacsatada Waratada ee Jowhar.

Ganacsiga magaalada Jowhar ka jira ayaa kobcaya wixii ka dambeeyay markii magaaladaasi ay xarun u noqotay maamulkaa Hirshabelle, iyadoo magaaladana ay dadbadan oo hor leh deegaan ka dhiganayaan.

Goobjoog News