U bood dhigaalka

Ganacsiga qeyb ka mid ah suuqa degmada Baardheere oo hakad ku jira (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii Labaad hakad ku jira ganacsiga qeyb ka mid ah suuqa degmada Baardheere ee gobalka Gedo, ka dib markii suuqaasi uu ka kacay dab baabi’iyay goobo ganacsi oo aad u badan.

Ganacsatada suuqa degmada Baardheere ee qasaaraha soo gaarsiiyay hantidooda ayaa qaarkood waxay sheegeen in weli aanay wax shaqo ah hayn, islamarkaana ay hadda dib u bilaabi doonaan dib u habeynta goobihii gubtay.

Mid ka mid ah ganacsatadaasi oo u waramay Goobjoog Fm isaga oo ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in ay jiraan dad aan ilaa hadda hayn wax ay dib ugu bilaabaan ganacsigooda.

Dhanka kale ma jirto ilaa iyo hadda wax hadal ah oo arintaan ay ka yiraahdeen maamulka Al-shabaab ee degmadaasi, mana jirto qorshe muuqda oo ganacsatadaasi lagu garab qabanaayo.

Halkaan hoose ka dhageeyso hadalka ganacsadaha.

Goobjoog News