U bood dhigaalka

Ganacsiga Suuqa Boocle Ee Degmada Dharkeenley Oo Maalintii Seddaxaad Hakad Ku Jira

Sheeko:Amniga

Maalintii Saddexaad waxaa xiran ganacsigii suuqa weyn ee Boocle, kaasi oo ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ganacsatada suuqan Macow ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay in sababta shaqadooda u joogsatay tahay kadib markii la xirxiray ganacsato badan oo suuqa ah.

Sababta loo xiray dadkan ayuu sheegay iney iska diideen bixinta lacago badan oo uu tilmaamay in la duldhigay iney bixiyaan, maadaama halkaasi laami laga dhisayo.

Maamulka degmada Dharkeenley iyo kan gobolka Banaadir ayuu sheegay in looga baahnaa wacyigelin, balse aan la rabin in awood iyo xarig la isku dayo in wax lagu qaado.

“Wacyigelin ma jirto, dadka inta shir loo qabtay lama dhihin laami ayaa la dhisayaa, ama guddi ganacsi oo howshan kaalin ku leh ma jirto, annaga laamiga dan weyn ayaa inoogu jirto, suuqiina sidaasi ayuu ku xiran yahay” ayuu yiri Macow.

Ganacsatada Suuqa Boocle ee degmada Dharkeenley ayaa sheegay in aanay diidaneyn dhismaha laami, balse la doonayey kahor tallaabada xarigga ah inta aan la qaadin in la sameeyo la tashi iyo wacyigelin.

Goobjoog News