U bood dhigaalka

Gar-yaqaannada Shulman Rogers oo beeniyey eedaynta UN Monitoring group

Sheeko:War

Shulman redgresShirkadda sharci yaqaannada Shulman Rogers oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka oo wada-shaqeyn kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedeymo ee la xiriiray in ay madaxda dowladda Soomaaliya ka caawisay lunsashada lacago qaran.

Warar dhawaan ay faafisay wakaaladda wararka ee Reuters oo qeyb ka ah warbixin aan weli si rasmi ah u soo bixin oo Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee Cuna qabateyn hubka ee Soomaaliya iyo Eretria, ay ka diyaariyeen Somalia, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamud iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden inay doonayeen inay si musuq maasuq uu ku jiro ay u soo ceshadaan hantida dowladii hore ee Soomaaliya.

Warbixintu waxey sheegtay in madaxda Soomaaliya ay howshaasi qandaraas ku siiyeen shirkadda Shulman Rogers oo fadhigeedu yahay magaalada  Washington.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa horey u beeniyay eedeyntan, laakiin shirikadda Shulman Rogers ayaa markii ugu horeysay Iyana shir jaraa’id oo ay xalay ku qabtay magaalada minniapolis ee gobolka Minnesotta kaga hadashay eedeynta, waxeyse sheegtay in lacag 33 malyuun oo dollar gaareysa oo ay somaliya laheyd inay soo celisay oo ay shirkaddu ku wareejisay dowladda Soomaaliya.

Jeremy Schulman oo ka tirsan shirkadda Shulman Rogers ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Minisoota, in ay maxkamad la tiigsan doonaan Jarat Chopra oo ah hoggaamiyaha kormeereyaasha Qaramada Midoobe ee soo saaray warbixinta eedeynta.

Wuxuu caddeeyay in ay si sharci ah oo la wada ogyahay ay shirakadda gar-yaqaannada Rogers ula shaqeyso dowladda Soomaaliya oo ay ka caawiso dib usoo celinta hantidii qaranka Soomaaliya.

Wuxuu xusay in ay ilaa hadda soo celiyeen hanta u dhiganta 33 milyan oo dollar kuna wareejiyeen dowladda Soomaaliya oo aaney jirin wax is-dabaimarin ah.

Ugu danbeyn sarkaalka shirkadda u hadlayey waxuu tilmaamay in eedeymaha kormeerayaasha ay tahay kuwo been ah oo ay ugu gafeen shirkaddiisa iyo madaxda Soomaaliya, wuxuuna tibaaxay in ay sii wadi doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya.