U bood dhigaalka

Garabka Madoobe Nuunoow oo shaaciyay waxa ay isla garteen Xildhibaano ay kula shireen Baydhaba (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Masuuliyiin ka tirsan maamulka lixda gobal iyo sidoo kale xildhibaanno ka socda dowladda Soomaaliya ayaa wada hadallo uga furmay magaalada Baydhabo.

Wada hadaladaasi ayaa looga arrinsanayaan sidii laga yeeli lahaa dhismaha maamul ay ku qanacsan yihiin dadka ee laga hirgaliyo Baydhabo.

Cabdulqaadir Ajuuke oo ka mid ah guddiga wada hadalka ee Garabka maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda gobal, ayaa sheegay in meel wanaagsan uu u marayo wada hadalka.

Waxa uu tilmaamay inay isku afgarteen iyaga iyo xildhibaano dowladda ka tirsan in la joojiyo shirka maamul u sameynta seddexda gobal, ee Baydhabo ka socda kaas oo horay uu u furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ajuuke ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada hirgeinta waxa ay rabaan shacabka ku dhaqan Gobalada Koonfur Galbeed, balse aanay aqbali doonin in si qasab ah wax looga dhaadhicyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News