U bood dhigaalka

Garabka Madoobe Nuunow oo sheegay in aysan ka tanaasuleyn maamulka lixda gobol

Sheeko:Dalka
Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Xubno ka tirsan garabka Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in marnaba ayan ka tanaasuli doonin mowqifkoodi ahaa maamul ka taliya lix gobol oo koonfurta dalka ah.

Waxaa warkan sheegay guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida garabka Madoobe Nuunow Maxamed, Suldaan Siraaji Aadan Xuseen oo Baydhabo ku sugan.

Intaas waxa uu raaciyay warkiisa suldaankan in magaalada ay kula kulmeen guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari hase ahaatee aysan ka aqbalin ka tanasuulida go’aankoodii hore.

Baydhabo ayaa marti u noqotay xiisado siyaasadeed ee salka ku haya maamul u sameynta gobolada koofur galbeed ee dalka, waxaana shalay halkaas gaaray wafdi uu hogaaminayo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh.

Hoos ka dhageyso codka Suldaan Siraaji Aadan Xuseen: