U bood dhigaalka

New Ucid oo Ku Biirtay Xisbiga Kulmiye

Sheeko:Dalka

Waxaan si rasmi ah u midoobay maanta garabka Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga Ucid iyo xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye kadib markii heshiis laga gaari waayay khilaafkii xisbiga Ucid ee in muddo ah ragaadiyay xisbiga.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasiyay oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa lagu kala saxiixday heshiis in muddo ah laga soo shaqeeynayay oo garabka xisbiga Ucid ee New Ucid uu kula midoobayay xisbiga haya talda Somaliland ee Kulmiye.

Jamacaal Cali Xuseen oo hadal jeedin ka sameeyay xafladda  ayaa waxa uu sheegay in maanta ay si rasmi ah uga mid noqonayaan xisbiga Kulmiye:

“Dadka halkan iskugu yimid si ay noola qeybsadaan farxadda aan kula midoobeynno xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaa halkan jooga mayarradii, xildhibaannadii xisbiga Ucid garabkii New Ucid, waxaa jooga madaxdii xisbiga Ucid ee guddiga fulinta iyo golaha dhexe, xoghayeyaashii, garabkii haweenka, garabkii dhalinyarada, dhammaan dadkii oo dhan halkan ayay joogaan, xisbigii Ucid 90% New Ucid buu ahaa, xisbiguna waxa uu xisbi ku yahay ummaddiisa, markii wixii aan ku heshiinnay uu socon waayay, annaguna wax kale ma’aanan sameyn ee dadkayagii ayaan la soo wareegnay waxaanan ku xirnay xisbiga Kulmiye, dadkii habeen iyo maalin na taageerayay waxaan u sheegaynaa inaaney guuldarreysan ee ay guuleysteen”.

Xisbal Kulmiye iyo Garabkii xisbiga UCID ee uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo gunnaanaday wadahadallo farsamo oo lagu dhammaysatirayay midowgooda 15, Janaayo 2017, iyagoo maantana si rasmi ah ugu dhawaaqay midowgooda.

Goobjoog News