U bood dhigaalka

Garbahaarey: AMISOM Oo Lagu Banaanbaxay

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo ayaa maanta isugu soo baxay dibadbax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan ciidamada AMISOM ee degmadaasi ku sugan.

Shacabkaan oo watay boorar ayaa ku qeylinayay erayo muujinaya in aysan AMISOM raali ka ahayn inay joogto degmadaasi, ka dib markii sheegeen in aysan waxba ka qaban dhibaatooyin ka dhacay deegaanno ku dhaw degmadaasi.

Qaar ka mid ah horjoogayaasha dibadbaxani ayaa sheegay in dhawaan deegaanka Yoobsan oo qiyaastii 9-km u jira degmada Garbahaarey ay Al-shabaab ku dileen ganacsade caan ahaa, kaasi oo lagu magacaabayay Aadan Qaasim Suuley (Dhubbad), islamarkaana aanay AMISOM waxba ka qaban arintaasi.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa isugu soo baxay wadada dheer ee aada deegaanka Buraa oo qiyaastii 18-km u jira Garbahaarey, halkaasi oo fariisin ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

“AMISOM dooni mayno, waxba kama qabanayaan dhibaatada shacabka lagu hayo, waxa ay meesha u joogaan waa Nabad ilaalin, nabadna kuma haysanno” ayeey dadkaasi ku hadaaqayeen.

Dibadbaxaan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeedo ciidamada AMISOM  ee ku sugan degmada Garbahyaarey ee gobalka Gedo, waxaana degmadaasi ku sugan ciidamo ka socda dowladda Itoobiya.

Maamulka degmada Garbahaarey iyo kan gobalka Gedo weli kama aysan hadal dibadbaxaan maanta dhacay.

Goobjoog News