U bood dhigaalka

Garbahaarey : Shacabka Oo Sheegaya In Ay Siiwadi Doonaan Dibadbaxyada Ka Dhanka Ah Jubbaland

Sheeko:Amniga

Shacabka degmada Garbahaarey ayaa sheegay in aysan joojin doonin dibadbaxyada ka dhanka ah Jubbaland inta isbedel lagu sameynayo Madaxda Maamulkaasi.

Axmed Cabdi oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa Goobjoog News u sheegay in dowladda federaalka ka doonayaan iney farogeliso arrimaha Jubbaland.

Axmed Cabdi waxaa uu tilmaamay in ay siiwadi doonaan dibadbaxyada ka dhanka ah Madaxda Jubbaland isaga oo sheegay in ay ku hayaan dadka shacabka ah Maamul xumo iyo dhibaato intaba.

“Waxaa ay ka banaan baxayaan Maamul xumo iyo dhibaato haysata waxaa jira horay usocod la’aan baahsan oo ka timid Maamulka Jubbaland, waxaa magaalada ka jira waa kacdoon shacab maahan wax dad gaar ah ay wataan”.

Shalay ayey aheyd Markii  degmada Garbahaarey ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado wata kaasi oo looga soo horjeeday Maamulka Jubbaland waxaana dadka dibadbaxyaasha ay ah xoog ku galeen guriga Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamulka Jubbaland iyaga oo gaarsiiyay dhaawacyo.

Goobjoog News