U bood dhigaalka

Gargaar iyo Guddiga Gaaray Magaalada Baladweyn

Sheeko:Dalka

Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyn ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta gaartay diyaarad sidday gargaar banii’aadnimo.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen inta badan bustooyin iyo baco ayaa goor sii horeysay ka degtay magaalada Baladweyn, ee caasimadda Hiiraan.

Dhinaca kale, guddigii uu magacaabay ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa la sheegayaa iney tageen magaalada Baladweyn, laakin ilaa hadda wax hadal ah kama soo bixin.

Waxaa jira meelo go’doonsan oo ka inta badan xaafadda Hawl-wadaag, Buundaweyn, Xaawo Taako  iyo  Kooshin, qoysas boqolaal ayaa la’a meel ay ka baxaanb.

Waxaa joogsaday dhammaan isu socodka gaadiidka, ma jiro wax ganacsi ah,  ganacsi yaryar iyo mid weyn, waxaa xiran dhammaan dukaamadii iyo suuqyada sida khudaarta iyo xoolaha.

Isu Socodka Gaadiidka: Waxaa istaagay dhammaan isu socodkii gaadiidka, gaariga keliya ee ka dhaq-dhaqaaqa gudaha magaalada waa Cagaf-cagaf.

Odeyaal qaar oo ka hadlay arrinta gurmad ee ay dowladda federaalka ah guddi u saartay waxaa ayaa Goobjoog News in sanadkii hore ay dhacday dhibaato middan la mid ah iyada oo taasi laga jawaabayo dowladda federaalka ah waxaa ay bixisay $1 milyan, Shiinaha $1 mliyan, gobolka Banaadir oo $100,000 ahaa iyo baarlamaanka 2-badiisa aqal oo mid $50, 000 bixiyey. “Lacagtii loogu talo-galay dadka waxaa jeebka ku shubtay maamulka Hirshabelle, mana arkin” ayey raaciyeen.

Goobjoog News