U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga Oo Gaarsiisay Markab Cunto Gargaaar Ah Dekedda Boosaaso

Sheeko:Dalka

Dekedda Magaalada Boosaaso waxaa ku xirtay markab sida shixnad raashin gargaar ah oo ka timid Turkiga, balse la soo marsiiyey dowladda Federaalka Soomaaaliya.

Markabkaan ayaa ka amba baxay maagaalada Muqdisho, waxaana uu siday gargaaar Turkiga ugu talo galay shacabka Soomaaaliyeed, waxaana saaran raashin isugu jira bur iyo Bariis.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maaxamed Waceys oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raashinkaan loo qeybin doono dadka loogu talo galay.

Guddoomiyaha ma aanu sheegin inta Tan ee uu yahay Raashinkaan gargaarka ee dowladda Turkiga geysay magaalada Boosaaso.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in kaalmadan ay tahay mid dowladda Turkiga u soo marsiisay dowladda dhexe ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaaliya ayaa dhammaan maamullada dalka ka jira waxay u qeybisay raashinkaan gargaarka ah ee ka yimid Turkiga.

30-ka Bishii May 2016, waxaa magaalada Muqdisho ku soo xirtay markab siday 11 Tan oo raaashin gargaaar ah, kaasi oo ay soo dirtay dowladda Turkiga.

Turkiga ayaa dalka horay u keeenay gurmad badan oo raashin ah,  iyadoo aad loogu xusuusto gurmadkii sanadkii 2011-ka u fidisay shacab Soomaaliyeed oo abaar xooggan ku haysay Koofurta iyo Bartamaha dalka.

Goobjoog News