U bood dhigaalka

Garoonka Banaadir Oo Marti Gelinaya Koob Lagu Xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maagalada Muqdisho ka furidoono koob lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa haldoorayaasha ugu wanaagsanaa ee soo maray warbaahinta dalka.

Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV ayaa u dhintey Qaraxyadii 22-December 2018 ee ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee wadanka jiray.

Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray.

tartankan waxaa ka qeyb galaya kooxaha kubbadda cagta ee kala ah Elman,Heegan,Jeenyo iyo kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

Isku Aadka Koobka
19-01-2019-Muqdisho City Club VS Elaman
20-01-2019-Heegan VS L.L.P Jeenyo

22-01-2019 oo ah maalinta Talaadada ayaa la dheelidoonaan fiinaalaha koobka lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV.