U bood dhigaalka

Garoonka Cadaado Oo Ay Ka Socoto Howlo Ballaarin Ah

Sheeko:Dalka

Garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu sameynayaa dib u dhis iyo ballaarin iyada oo la doonayo in la ballaariyo baaxadda uu ku fadhiyo garoonka.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Cadaado Daahir Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in ganacsatada iyo qurba jooga ka soo jeeda deegaanka ay iska kaashanayaan ballaarinta lagu sameynayo garoonka .

Daahir Maxamed Cabdule isga oo Goobjoog News arrintaas uga warbixinayye  waxaa uu yiri .

“Haddaan ka waramo Ballaarinta garoonka, waxaa ka socota ballaarin aad u weyn oo ah dhanka Baakinka ballaarinta garoonka waa ay socon doontaa, waxaa nagala qeyb-qaadanaya Jaaliyadaha ganacsatada iyo shirkaddii gacanta ku heysay garoonka ee walaalaha loo yaqaanay, arrintaan waa dhiiro-gelin ay ka heleen madaxweynaha qaranka markii uu soo maray garoonka uuna dhagax dhigay”.

Xildhibaan Maxamed Xasan Cadde oo ka mid  ah xildhibaannada Galmudug ayaa bogaadiyey qaabka ay u socoto howsha ballaarinta garoonka waxaa uuna yiri “Aad ayaan u soo dhoweynaa howsha ka socota garoonka maadaama aan nahnay xildhibaannadii Galmudug, waxaan halkaan u nimid in aan u kuur galno sida ay u socoto howsha garoonka “.

Farxaan maxamed Dhoore oo ka mid ah jaaliyadda deegaanka ayaa sheegay dhankiisa in uu ku faraxsanyahay in dib u habeyn lagu sameeyo garoonka oo markii hore ahaa mid aan bilicdiisa wanaagsaneyn.

“Annaga ka jaaliyad ahaan aad iyo aad ayaa ugu faraxsannahay inaan maanta Goob joog ka nahnay shaqada baaxaddaan leh oo sidaan u quruxda badan in laga sameeyo garoonka “.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u dhagax dhigay garoonka Cadaado, wixii intaas ka dambeeyay ganacsatada iyo qurba joogta deegaanka ayaa waxay iska kaa shanayeen sidii loo ballaarin lahaa garoonka.

Goobjoog News