U bood dhigaalka

Garoonka Diyaaradaha B/weyne Oo Qarka u Saaran Inuu Xirmo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in garoonka magaaladaasi uu qarka u saaran yahay inuu xirmo.

Roobkii dayrta ee ka curtay gobolka Hiiraan ayaa sababay in biyo badan dhigo garoonka B/weyne, waliba dhabaha ay ka duulaan diyaaradaha.

Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan garoonkaasi, casbida ayaa ah in haddii roob kale oo biyo badan wata yimaado in duulimaad oo dhan aan rajo laga qabi doonin.

Sanad walba sidan oo kale ayaa markii roobabka curtaan u biyo dhigmaa garoonka B/weyne, iyadoo maalmo badanna hakad galo duulimaadyada garoonkaasi.

Goobjoog News