U bood dhigaalka

Garoonka diyaaradaha Beledwayne oo maalinkii labaad xiran

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii labaad hakad ku jira dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Beledwayne kadib markii saamayn uu ku yeeshay roobabkii 24-kii saac ee ugu dambeeyay ka da’ayay gobolka Hiiran.

Ma jirin wax diyaarad ah oo ka dagay garoonka tan iyo markii hakad uu ku yimid iyadoo maamulka garoonkuna uu dalbanayo in laga saacido qalabaynta iyo hagaajinta garoonka si howshu ay u sii socoto.

Garoonkan ayaa ah mid yar oo ay adeegsadaan diyaaradaha jaadka geeya iyo kuwa gaarka ah ee ay hay’adaha sama falka isticmaalaan.

Roobabka ayaa ka da’ay Beledwayne, Jalalaqsi, Maxaas iyo tuulooyin kale oo hoos yimaada gobolka.