U bood dhigaalka

Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb Oo Dib Loo Howlgeliyey

Sheeko:Dalka

Munaasabad ka dhacday degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa xarigga looga jaray dib u howgelinta garoonka diyaaradaha degmadaasi ee Ugaas Nuur.

Wasiirka Koowaad ee maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo xarigga ka jaray garoonka ayaa u mahadceliyey cid walbo oo dedaalkaasi ka qeybqaadatay.

Waxa uu sheegay wasiirk Shaakir in uu furan yahay garoonka , islamarkaana duulimaadyada ay si gudaha iyo dibadda ahba u bilaaban karaan.

“Waxaan u mahadcelineynaa cid walbo oo dedaalkan sameysay, waxaan leenahay waad mahadsantihiin, wixii dhimanna dhammeystira, garoonkan waa mid caalami ah, xilliga dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad wuxuu ahaa mid aad u mashquul ah, waxaan rajeyneynaa inuu helo dhammeystir” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Ugu dambey, Sheekh Shaakir ayaa sheegay in hay’adaha duulista hawada uu u furan yahay garoonka Ugaas Nuur ee degmada Dhuusamareeb.

Goobjoog News