U bood dhigaalka

Garoonka Kubadda Cagta Ee Banaadir Oo Loo Badalay Eng Yariisow

Sheeko:Cayaaraha

Xaflad duco ah ayaa waxaa ay hadda ka socotaa garoonka kubadda cagta ee Banaadir. , xafladda ducada ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda ugu sareyso dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah dadka halkaasi jooga ayaa sheegay in maanta laga bilaabo garoonkaasi loogu magacdaray duqii geeriyoodey ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa dhankiisa sheegay in guddoomiyihii gobolka uu ahaa astaanta midnimada la raadinayo.

Xafladda marka laga soo tago madaxda qaranka waxaa jooga maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Goobjoog News