U bood dhigaalka

Garoowe: Ciidamada Daraawiishta Oo La Wareegay Xarunta Baarlamaanka Puntland

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan daraawiishta ay gadiid ciidan ku horgooyay , lana wareegeen xarunta golaha shacabka ee Puntland.

Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay ka cabanayaan mushaar la’aan, mana aha markii ugu horeysay ee sidaa sameeyaan oo horay waxaa ay u qabsadeen xarunta bangiga

Weriyaha Goobjoog News ee Garoowe waxaa uu sheegayaa in aanay jirin wada hadal socda iyaddoo madaxweynaha Puntland uu haatan safar ugu maqan yahay magaalada Boosaaso.

Faahfaahinta kala soco, Goobjoog News,

Goobjoog News